Kabtan-ka Liverpool iyo xulka Netherland ee Virgil van Dijk ayaa si toos ah uga jawaabay hadalladii Wayne Rooney uu ku dhaliilay wahsi iyo caajis, kaddib markii Liverpool ay 2-0 ku garaacday Aston Villa.
Rooney ayaa todobaadkii hore sheegay in Van Dijk iyo Mohamed Salah ay muujiyeen “walwal iyo niyad jab” intii ay kooxda ku jirtay xaalad adag. Laakiin Van Dijk ayaa durba si cad uga jawaabay kadib guushii Anfield uka gaaren Aston Villa.

Van Dijk wuxuu yiri:“Ma maqlin markuu sanadkii hore hadlayay.”Isagoo muujinaya in khabiiradu ay ka hadlaan oo keliya marka natiijooyinka xumaadaan.
Wuxuu sii raaciyay:“Way sahlan tahay in eedda lagu tuuro ciyaartoyda kale, laakiin wuxuu wax u ogyahay sida qof walba oo kale: waxaan sameynaa wadajir.”Kabtan-ka Liverpool wuxuu carrabka ku adkeeyay in kooxda ay wali mideysan tahay oo uu jiro kalsooni gudaha ah – isagoo sheegay in hadallada dibadda ka imanaya aysan waxba ka beddeli doonin.
Guushan ayaa ahayd mid muhiim ah, maadaama ay baabi’isay doodihii ahaa in kooxda Arne Slot ay ku jirto burbur, waxayna mar kale muujisay hogaanka Van Dijk.Liverpool ayaa hadda soo celisay xoogaa dariiqeeda, iyadoo ciyaaro waaweyn ay soo socdaan, oo ay ku jiraan kulanka Champions League ee Real Madrid.