Flick wuxuu ‘ilaalin doonaa’ xiddiga da’da yar ee Barca Yamal..

Tababaraha Barcelona Hansi Flick ayaa Sabtidii sheegay inuu “ilaalin doono” xiddiga da’da yar ee Lamine Yamal savabo dhawaca jira aw_geed.

18 jirka garabka ka ciyaara ayaa ku dhibtooday ciyaartii Clasico ee usbuucii hore iyadoo kooxda difaacaneysa horyaalka ee Barca ay ku dhacday guuldarro taasoo ka dhigtay inay shan dhibcood ka dambeeyaan kooxda hogaanka u heysa La Liga ee Real Madrid.

” Flick ayaa shir jaraa’id ku sheegay ka hor kulanka Barca ay la ciyaari doonto Elche Axadda horyaalka La Liga.

“Mar walba waan ilaalin doonaa oo waan taageeri doonaa. Waa ciyaaryahan fantastik ah, nin fantastik ah, aad buu u yar yahay, waanan sii wadi doonnaa sidan.”

Yamal ayaa dhowr toddobaad la dhibtoonayay dhaawac gumaarka ah, inkastoo uu ku bilowday Clasico, haddana wuxuu soo bandhigay qaab ciyaareed liita, welina wuxuu u muuqdaa mid ay saameysay dhibaatada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *