Xabi Alonso Ayaa Sheegay Qorshaha Uu Ku Burburin Doono Liverpool Kulanka Cawa Ee Champions League

Xabi Alonso ayaa qorshe weyn diyaarinaya si uu Liverpool ugu garaaco garoonkooda Anfiel kulanka cawa.

Markii uu ka hadlayay qorshihiisa ciyaarta, Alonso wuxuu yiri:“Cawa ma imaan karno halkaan annagoo fadhiid ah oo aan diyaarsaneyn.Waxaan u baahannahay inaan si degdeg ah ciyaarta gacanta ugu dhigno, inaan geesinimo muujino oo aan yeelano dabeecad adag. Waa inaan tallaabada xigta qaadnaa tartanka Champions League,” ayuu yiri Alonso.

Tababaraha reer Spain ee kooxda Real Madrid ayaa diiday inuu dareenkiisa ku dhex daro ciyaarta, inkastoo uu hore ugu ciyaari jiray Liverpool oo uu ka mid ahaa xiddigihii khadka dhexe ee soo maray.

“Waxaan isku dayaa inaanan dareenkayga ka ilaaliyo go’aan qaadashadayda. Waxaan rabaa inaan diiradda saaro ciyaarta. Kadib wixii dhacaya ha dhacaan.

“Mar walba waxaan isku dayaa inaan ka fogeeyo naftayda xamaasadda marka aan ku laabto garoomo aan hore uga ciyaari jiray,” ayuu yiri tababaraha Real Madrid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *