Manchester City ayaa kalsooni ku qabta inay heshiis cusub la gaarto Rodri ka hor bisha Janaayo

City waxay xiriir la lahayd Rodri iyo wakiilladiisa in ka badan 12 bilood, laakiin ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray ACL bishii Sebtembar, ciyaaryahanka ayaa doonayay inuu diiradda saaro sidii uu taam u noqon lahaa.

Inta lagu jiro muddadan, City waxay sidoo kale ku mashquulsanayd inay soo xero geliso tiro ka mid ah xubnaha muhiimka ah ee kooxdeeda, iyadoo Erling Haaland, Ruben Dias, Nico O’Reilly, Savinho iyo Rico Lewis ay dhammaantood qalinka ku duugeen heshiisyo cusub iyadoo uu eegayo agaasimaha cusub ee isboortiga Hugo Viana.

Ilo wareedyo ayaa hadda u xaqiijiyay war bahinta in wadahadallo uu la leeyahay Rodri ay bilowdeen, waxaana jira rabitaan iyo kalsooni labada dhinac ah oo ku saabsan inuu dhawaan ogolaan doono inuu kordhiyo qandaraaska ciyaaryahanka ku guuleystay Ballon d’Or,ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *