Ciyaartoyda Barcelona Oo Ka Soo Horjeestay Lamine Yamal!

Ciyaartoyda Barcelona Oo Ka Soo Horjeestay lacibka reer Spain ee gooxda Barcelona Lamine Yamal

Wargeyska reer Spain ee El Nacional ayaa sheegay in dhowr ciyaaryahan oo Barcelona ah ay ka muujiyeen walaac gudaha qolka labiska ah oo ku saabsan hadallada iyo hab-dhaqanka xiddiga da’da yar ee Lamine Yamal, iyagoo muujiyay inuu talooyin qaldan oo dhaawici kara mustaqbalkiisa ciyaareed ka helo dad kale.

Warbixinta ayaa sheegesa in walbahaarku sii kordhay kadib hadalladii uu Yamal sheegay ka hor kulankii Real Madrid markaasoo uu ku andacooday in “Real Madrid ay xatooyo sameyso isla markaana cawdaan.” Hadalkaas ayaa si weyn uga xanaajiyey ciyaartoyda Real Madrid, taasoo keentay muran kulul oo dhex maray labada koox kaddib kulankii ay Los_Blancos 2-1 ka kabadisay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *