Manchester United, ayaa heleysa daafaca halista ah Lisandro Martinez.

Lisandro Martinez, ayaa talaabo weyn horey ugu qaaday soo kabashadiisa, kadib markii uu dib ugu soo laabtay tababarka kooxda koowaad ee Carrington, kaddib dhaawac jilibka ah oo uu ku maqnaa tan iyo horraantii bishii Febraayo.
Martinez ayaa qaliin looga sameeyay jilibka kaddib dhaawac ACL ah oo uu soo gaaray kulankii ay United guuldarrada kala kulantay Crystal Palace.
Tan iyo markaas, wuxuu ku jiray barnaamij soo kabasho oo adag, waxaana hadda dib u soo laabashadiisu muujineysaa horumar muuqda iyo in uu ku dhow yahay garoomada.

Daafaca lambarka 6-aad ayaa tan iyo markii uu ka soo wareegay Ajax 2022, wuxuu u saftay Manchester United 91 kulan, isagoo dhaliyay 3 gool, isla markaana ku guuleystay Carabao Cup iyo Emirates FA Cup.
Soo laabashadiisa tababarka ayaa farxad u ah Ruben Amorim iyo taageerayaasha, maadaama Martinez uu door muhiim ah ku leeyahay dhismaha difaaca kooxda, isla markaana lagu yaqaan dagaal, hoggaan iyo xirfad kubadeed oo sarreysa.