Désiré Doué oo ka tirsan PSG ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo dheer ka dib dhawa soo garay..

Désiré Doué (20 sano jir ah) ayaa diyaar u ah inuu maqnaado muddo dheer, isagoo dhaawac muruqa ah ka soo gaaray ciyaartii 1-1 ee Paris Saint-Germain ay la gashay FC Lorient habeenkii Arbacada.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa laga saaray garoonka ka dib markii uu dhaawac soo gaaray xalay.

Désiré Doué
Waa dhaawacii labaad ee Doué soo gaaray xilli ciyaareedkan, isagoo hore u soo gaaray dhaawac muruqa ah intii lagu jiray fasaxa caalamiga ah ee Sebtembar, taasoo ka dhigtay inuu maqnaado muddo bil ah. Maqnaanshihiisa ayaa sii dheeraan doona markan, sida uu L’Équipe fahansan yahay.