Juventus oo tababare u magacawday tababarihii hore ee Talyaaniga Spalletti..

Kooxda Serie A ayaa Khamiistii sheegtay in Juve ay u magacawday tababarihii hore ee Talyaaniga Luciano Spalletti inuu noqdo tababare ilaa dhammaadka xilli ciyaareedkan, ka dib markii la ceyriyay Igor Tudor.

Juventus ayaa u jeesatay tababarihii hore ee Talyaaniga, Inter Milan iyo Napoli ka dib markii ay kala tageen Tudor ka dib siddeed kulan oo guul la’aan ah tartamada oo dhan. Waxay ku jiraan kaalinta toddobaad ee kala sarreynta ka dib sagaal kulan.

“Luciano Spalletti waa tababaraha cusub ee Juventus, isagoo saxiixay heshiis ilaa Juun 30, 2026,” ayay Juventus ku tiri hadal ay soo saartay.

Tudor oo u dhashay Croatia, kaasoo beddelay Thiago Motta bishii Maarso, ayaa ahaa tababarihii ugu horreeyay ee ajnabi ah oo ay Juventus u magacowday tan iyo Didier Deschamps oo u dhashay Faransiiska 2006-07.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *