Xabi Alonso Oo Hambalyo U Diray Kylian Mbappé Kadib Markii Uu Ku Guuleystay Kabta Dahabka Yurub

Tababaraha Real Madrid Xabi Alonso ayaa u hambalyeeyay Kylian Mbappé kadib markii uu ku guuleystay Kabta Dahabka Yurub 2025, wuxuuna amaanay joogteynta iyo heerka ciyaareed ee weeraryahanka reer France.

Alonso ayaa yiri:“Kylian wuxuu dhaliyay goolal, haddana wuu dhaliyaa, wuuna sii dhalin doonaa.Wuxuu shaqadiisa u wajahayaa si togan, kooxda ayaana u baahan inay ka shaqeyso abuurista fursadaha lagu xiri karo goolal.

Waxaan ugu hambalyeynayaa Kylian Kabta Dahabka.Waxaan garab istaagi doonaa oo dhiirrigelin doonaa inuu sidaan u sii wado.

”Xafladda kabta dahabka ee Mbappé ayaa maanta ka dhici doonta garoonka Santiago Bernabéu.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *