Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu “dhawaan” hawlgab noqon doono, inkastoo uu qirtay inay adkaan doonto in xirfadiisa ciyaareed ee dhalaalaya la soo gabagabeeyo, 40-jirkan ayaa muddo qorsheynayey noloshiisa ka dib kubadda cagta.

Weeraryahanka Al Nassr waa gooldhaliyaha ugu sareeya abid isagoo dhaliyay 952 gool oo uu u dhaliyay kooxdiisa iyo dalka oo dhan marka la isku daro, wuxuuna bishii hore sheegay inuu bartilmaameedsanayo 1,000 gool ka hor inta uusan ka tagin ciyaarta.
“Dhawaan,” ayuu yiri ciyaaryahanka shan jeer ku guuleystay Ballon d’Or markii la weydiiyay goorta uu kabaha iska siibi doono.

“Waxaan u maleynayaa inaan diyaar garoobi doono. Aad iyo aad ayay u adkaan doontaa,” ayuu ku yiri barnaamijka Uncensored ee Piers Morgan wareysi uu daabacay Talaadadii.
“Laakiin wax walba waxay leeyihiin bilow iyo dhammaad. Waxaan heli doonaa waqti dheeraad ah oo aan naftayda, qoyskayga, ugu koriyo carruurtayda.”