Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id kaddib markii kooxdiisa lagu reebay wareegga afaraad ee Carabao Cup, iyadoo Crystal Palace ay 3-0 kaga adkaatay kooxda Anfield.

Slot isagoo ka hadlayay xaaladda kooxda, wuxuu yiri:“Waxaan ka hadli karnaa sababo badan, laakiin run ahaantii ma jiro cudur-daar ku filan oo aan ku sheegayno sababta aan u luminay shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyay. Arrintani gabi ahaanba waa mid aan la aqbali karin.”Tababaraha ayaa sheegay in culayska jadwalka ciyaaraha uu si toos ah u saameeyay tayada kooxda:

Arne Slot wuxuu qirtay in natiijooyinka ay yihiin kuwo aad u liita oo aan la aqbali karin, isagoo carrabka ku adkeeyay in kooxda u baahan tahay inay dib u hesho tamar, caafimaad iyo kalsooni maadaama usbuuc culus uu soo socda.