Lionel Messi Oo sheegay Ciyaaryahankii Ugu fiicna Taariikhda Kubadda Cagta

Laacibkii hore Barcelona, PSG ,Lionel Messi, ayaa sheegay in halyeygii geeriyooday ee Argentina, Diego Armando Maradona, uu yahay GOAT-ka cayaaryahanka ugu fiicna taariikhda kubadda cagta.

Messi, oo mar walba lala barbardhigo Maradona, wuxuu sheegay in Diego uu ahaa halyeey aan kaliya lagu xusuusan doonin kubad-qurxoon, balse uu aha mid uu ku dayan jiray.

Messi isagoo la hadlay ESPN Sports ayaa yiri:“Annaga, Maradona wuxuu ahaa halyeyga ugu weyn, kan aan ku dayanno, iyo qof si aan xad lahayn aan u qadarinno.In kasta oo aan yaraa oo aanan si toos ah u daawan kulamadiisii badankood, Diego wuxuu dhaafay heerka kubadda cagta. Wuxuu ahaa astaan.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *