Cristiano Ronaldo Oo Magacabay Koox Wayn Oo Aan Horyaalka Premier League Qaadi Doonin Xilli Ciyaareedkan

Kabtan-ka Al Nassr, Cristiano Ronaldo, ayaa ka hadlay tartanka horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, isagoo meesha ka saaray in Manchester United ay fursad u leeyihiin ku guuleysiga horyaalka.

Ronaldo, oo wareysi siinayay barnaamijka Piers Morgan Uncensored, ayaa sheegay in kooxda uu hore ugu ciyaari jiray ay hadda ka fog yihiin tartanka.“Haa, Arsenal way awoodi karaan inay horyaalka qaadaan.

Laakiin Manchester United suurtagal ma ah, sababtoo ah dhibco badan ayay ka dambeeyaan.” ayuu yiri.

Arsenal ayaa haatan hoggaanka u haysa horyaalka iyadoo leh 25 dhibcood, waxaana lix dhibcood ka dambeeya Manchester City, halka Liverpool ay todoba dhibcood ka hooseyso.

Dhanka kale, Manchester United ayaa ku jirta booska 8-aad iyadoo leh kaliya 17 dhibcood, taasoo ka dhigaysa in ay ka fog yihiin safka hanashada horyaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *