Sida laga soo xigtay Sky Sport Manchester United ayaa ka mid ah kooxaha wadahadallo la yeeshay wakiilka Karim Adeyemi, Jorge Mendes.

Weeraryahanka Borussia Dortmund ayaa dhaliyay saddex gool 13 kulan oo uu ka soo muuqday Bundesliga iyo UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.
Kooxda Jarmalka ayaa hadda ku jirta kaalinta saddexaad ee horyaalka Bundesliga, iyadoo toddobo dhibcood ka dambeysa kooxda hoggaanka haysa ee Bayern Munich, halka Red Devils ay ku jirto kaalinta toddobaad ee horyaalka Premier League.Sky Sport ayaa sheegtay in Mendes uu la hadlayo dhowr kooxood oo ku saabsan mustaqbalka 23-jirkan.

“Wakiilka cusub ee Adeyemi, Jorge Mendes, ayaa wadahadallo kula jira kooxo, oo ay ku jirto kooxda Manchester United.
“Si kastaba ha ahaatee, wararka xanta ah ee sheegaya in Adeyemi uu go’aansaday inuu ManchesterUnited U dhaqaaqo.”