Maamulka Liverpool Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Arne Slot Kadib Guuldaradii Crystal Palace.

Go,aanka Liverpool ee ku aaddan Arne Slot ayaa la shaaciyay ka dib markii Liverpool ay la kulmeen guuldarradii lixaad toddobadii kulan ee ugu dambeeyay, islamarkaana ay ka hareen cup Carabao Cup-ka.

Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ayaa soo martay waqti adag oo hoos u dhac ah intii uu hoggaaminayay Slot, iyagoo afar kulan oo isku xigta laga badiyay horyaalka taasoo keentay inay hoos ugu dhacaan kaalinta toddobaad, iyagoo toddobo dhibcood ka dambeeya hoggaamiyeyaasha horyaalka.

Slot ayaa toban isbeddel ku sameeyay kooxda laga badiyay Brentford dhamaadkii usbuuca, balse koox aan khibrad lahayn – oo ay ku jireen saddex ciyaaryahan oo dhallinyaro ah – ayaa si buuxda uga liidatay Palace.

Si kastaba ha ahaatee, ESPN Sport ayaa sheegay in aysan jirin wax “fursad” ah oo Liverpool ay dib u qiimeyn doonto mustaqbalka Slot, waxayna ku adkeysatay in uu weli “kalsooni badan ku leeyahay kooxda.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *