Sida laga soo xigtay warbixintii ugu dambeysay ee ka soo baxday Sky Sports Liverpool ayaa dalabkii ugu dambeeyay ee qandaraas kordhinta u gudbisay Ibrahima Konaté, iyadoo ciyaaryahanka la filayo inuu go’aan gaaro toddobaadyada soo socda.

Konaté ayaa si isdaba joogta ah u muujiyay xiisaha uu u qabo Real Madrid bilihii la soo dhaafay, iyadoo kooxda Isbaanishka ay si joogto ah u sii wadayso wararka xanta ah ee ku saabsan inay raadineyso fifaca France iyo gooxda Liverpool.
Haddii Konaté uu aqbalo dalabka qandaraas kordhinta ee Liverpool, wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaharka badan kooxda, taasoo muujinaysa kalsoonida buuxda ee kooxdu ku qabto isaga.