Darwin Nunez oo doonaya inuu soo afjaro kaciyaarisat horyaalka sa,uudi peo Ligue bilo ka dib markii uu ka tagay Liverpool

Darwin Nunez ayaa la sheegay inuu raadinayo waddo uu kaga baxsado Sacuudi Carabiya, bilo uun ka dib markii uu ka tagay Liverpool. Weeraryahanka reer Uruguay ayaa u wareegay Al-Hilal xagaagii ka dib markii Liverpool ay ku guuleysatay horyaalka Premier League, isagoo ku baxay qiyaastii £66 milyan.

Warar badan ayaa sheegaya in 26-jirkan uusan ku qanacsanayn Bariga Dhexe, inkastoo uu afar jeer shabaqa soo taabtay lix kulan oo uu saftay iyadoo Al-Hilal ay afar dhibcood ka dambeyso ciyaaryahanka Cristiano Ronaldo ee Al-Nassr. Waxaa soo baxay warar sheegaya in Liverpool ay dareemayso maqnaanshaha weeraryahanka iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan xilli adag, iyadoo Alexander Isak uu nolosha ku dhibtoonayo tan iyo markii uu ka soo biiray Newcastle United.

Dhanka kale, majaladda Ole ee ka soo baxda Argentina ayaa tilmaamtay in kooxda waaweyn ee Koonfurta Ameerika ee River Plate ay lacago u qoondeysay qaab-dhismeedka mushaharkooda ee Nunez ka hor ololaha 2026.

Tababare Marcelo Gallardo ayaa isku diyaarinaya dib u habeyn kooxeed, waxaana la sheegay in tababaruhu uu aad u “xiisaynayo” inuu keeno xiddigii hore ee Liverpool. Wargeysku wuxuu sheegay inay horey u “waceen” Nunez, kaasoo doonaya inuu ka tago Al-Hilal.

In kasta oo uu ku bilowday Sacuudi Carabiya rajo wanaagsan, taasoo sidoo kale keentay inuu laba caawin u fidiyo asxaabtiisa, Nunez waxaa la rumeysan yahay inuu ka fiirsanayo tallaabadiisa xigta. Tani waxay ka dambeysay qoraallo badan oo baraha bulshada ah oo muujinaya in 26-jirkan uu aqbalayo noloshiisa cusub ka dib markii uu si faa’iido leh ugu wareegay Sacuudi Carabiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *