Moyes oo si yaab leh uga jawaabay dharbaaxadii Gueye, wuxuuna shaaca ka qaaday wixii uu ku yiri qolka labiska…

DAVID MOYES ayaa si geesinimo leh u yiri “Waxaan jeclahay in ciyaartoydaydu ay is dagaallamaan” ka dib markii Idrissa Gueye uu casaan qaatay ka dib markii uu dharbaaxay saaxiibkiis Michael Keane.

Gueye ayaa isku soo taagay daafaca Keane, iyadoo labada ciyaaryahan ay is horfadhiyeen.

Ciyaaryahanka khibradda leh ayaa markaas dharbaaxay saaxiibkiis ka hor inta uusan Jordan Pickford jiidin.

Garsoore Tony Harrington kama uusan labalabeyn inuu siiyo kaarkiisa cas.

Gueye wali wuu carooday ka dib markii casaan la siiyay, isagoo sidoo kale Pickford ku qabtay qoorta ka hor inta uusan ugu dambeyntii dib ugu laabanin tunnel-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *