Wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in Manchester United ay la socoto xaaladda Marc Guehi ee Crystal Palace iyagoo bartilmaameedsanaya daafac cusub.

Daafaca Crystal Palace Marc Guehi, kaasoo xiiso waali ah ayuu ka helaya Manchester United iyadoo mustaqbalka Harry Maguire aan la hubin.
Kooxda Crystal Palace ayaa aqbashay in ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England uu ka tagi doono kooxda xagaaga soo socda, iyadoo qandaraaskiisu uu dhacayo bisha Juun.

Kooxo badan oo Yurub ah ayaa lala xiriiriyay Guehi, oo ay ku jiraan Barcelona iyo Liverpool, ka dib markii heshiiskii ay Palace kula jireen uu burburay maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga xagaaga.