Liverpool iyo Man City ayaa isha ku haya inay la soo wareegaan Antoine Semenyo ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Xiddiga Bournemouth Antoine Semenyo ayaa ka mid ahaa ciyaartoyda ugu cadcad Premier League labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay, waxaana uu hadda kasbanayaa indhaha goxaha waa_wen.

Liverpool iyo Manchester City ayaa isku diyaarinaya saxiixa Antoine Semenyo, iyadoo labada kooxoodba ay isha ku hayaan xiddiga Bournemouth ka hor suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Semenyo, oo 25 jir ah, ayaa ka mid ahaa mid bandhik fiican soo muujiyay horyaalka labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay.

Qaab ciyaareedkaasna wuxuu arkay dhowr kooxood oo lala xiriirinayo adeegiisa, inkastoo ciyaaryahanka reer Ghana uu mustaqbalkiisa u hibeeyay Bournemouth horaantii sanadkan isagoo saxiixay qandaraas cusub oo uu kula joogayo Cherries.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *