Xidiga xulka England iyo kooxda Chelsea Sterling iyo qoskiisa ayaa Gurikiisa burcad ku soo werartay.

Weeraryahanka kooxda Chelsea Raheem Sterling iyo qoyskiisa ayaa ka badbaaday iyagoo aan waxba gaarin ka dib markii dad soo galay ay isku dayeen inay jabsadaan gurigooda dhammaadkii toddobaadkii hore, sida uu sheegay afhayeenka ciyaaryahanka.

Dhacdadan ayaa ka dhacday guriga Sterling ee Berkshire markii 30 jirka iyo carruurtiisu ay guriga joogeen.

Chelsea ayaana taageero u fidisay Sterling iyo qoyskiisa, sida ay sheegayaan wararka laga helayo warbaahinta Ingiriiska.

“Waxaan xaqiijin karnaa in Raheem Sterling uu ahaa dhibane ka soo gaaray jabsashada guriga dhammaadka toddobaadkan. Waxaan sidoo kale xaqiijin karnaa in isaga iyo carruurtiisu ay joogeen guriga waqtigaas,” ayuu afhayeenkiisu u sheegay warbaahinta Ingiriiska.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *