Jamie Carragher ayaa aaminsan in Liverpool ay ku jirto xaalad adag ka dib afar guuldarro oo xiriir ah oo ka soo gaartay horyaalka Premier League.
Jamie Carragher ayaa qirtay in Liverpool ay “ku jirto waqti adag” ka dib markii ay guuldarro afar jeer oo xiriir ah kala kulantay Brentford Premier League taasoo ka dhigtay inay ka sii hoos marto Arsenal oo hogaanka heysa.

Guuldarradii ugu dambeysay ee soo gaartayna waxay ka dhigeysaa inay Gunners ka dambeeyaan toddobo dhibcood iyadoo daciifnimadooda difaac ay mar kale bannaanka soo dhigeen.
Tan iyo markii ay kusoo laabteen garoomada, waxay guuldarro kala kulmeen Manchester United garoonka Anfield ka hor inta aysan guuldarro kala kulmin Brentford dhammaadka usbuuca, kuwaas oo si buuxda u qalmay guushooda.
By.dlepro.com